
Somalia Flag…
Sanadkaan Soomaaliya waxaa ka dhacaysa doorasho, dadkaas Soomaaliyeed ee aan xasuusan karin waxa ay tahay doorasho, waa sheygan ay dadku ugu codeeyaan cidda ay rabaan inay xilka qabtaan.
Waa inaan sharraxaadas ka bixiyaa maxaa yeelay markii ugu dambeysay ee Soomaaliya ay doorasho toos ah kadhacdo kooxda muusikada ee ladhihi jiray [Beatles] wali wey wada jireen.
Waddankiina xitaa wuxuu ku guuleystey inuu galo afgambi militari oo kadhan ah dowladdaas kahor
intaanay kooxdu sannad ka dib dhicin. Hadana haddii aad u malaynaysay in burburka Beatles[kooxda muusikada ee heesta] uu ahaa mid rabshad wata, taasi waxba ma ahayn marka loobarbardhigo taariikhda doorashada soomaliya.
Markaa tobanaan sano oo ah xukun kaligiitalis ah oo aan cidna mucaaradi karin kadibna uu ku xigsaday dagaal sokeeye goor dambana halkan ayaan joognaa marka, waxaadna moodaysay inay burcad-badeeddu xun yihiin.
Haa, doorasho ayaa jirtay 2017 laakiin tani waxay ahayd doorasho dad’ban, oo aan gadaal kashegi doono, laakiin asal ahaan waxaa jira nin u codeeya nin kale,kadibna usii codeeya nin kale,hadana usii codeeya ninkale, kaasoo u codeeya madaxweynaha. Inta ka horeysana aad ayaad mashquul ugu tahay inaad ka ganbato gantaalaha dhacaaya si aad u codeyso. Iyo xitaa haddii aad rabto ma awoodid, inaad ka mid tahay qabiilkaas mooyee (mana aha midka aad ka fakarayso)
Waxyaabaha kale ee ku saabsan doorashada 2017 ayaa ah inay ka fududahay wax ka’iibsiga amazon. New York Times ayaa ku qiyaastay in $20million ay isweydaarsadeen gacmaha intii ay socotay codbixinta. Taasina waa iyada oo aan hal qof oo Ruush ahi ku lug lahayn.
Marka, in doorashadaas loogu yeero doorasho waxay la mid tahay in la yiraahdo qof dad cun ah oo ka walwalaya cuntadii uu cuni lahaa. Runtii taasi ma sheegeyso sheekada oo dhamaystiran.
Waxaa jiray rajo ah in markan ay ka duwanaan doonto markii Madaxweynaha haatan ee Maxamed uu saxiixay sharci bishii Febraayo 2020 oo muwaadiniinta oo dhan xaq u siinaya inay doortaan doorashooyinka baarlamaanka. Laakiin rajadani waxay kudhamatay fashil, macno ahaan, markii sheekooyinka kitaabiga ahi bilaabmeen oo kamid ahaayen dib usoo laabashadi macaluusha, ayaxa, oo lagu daray dhufeysyada argagixisada nacaybka kusalaysan ee Al Shabaab oo isasoo taraya Tani waxay keentay dib u dhac, taas oo horseeday xasillooni darro, kadibna horseeday in waxyaabo badan kusoo dhamadan guuldaro . Ma ahan shuruudo aad u wanaagsan doorashada waxaan u maleynayaa inaad aqbali doontan dhamantiin. Ayaa doonaya inay gubtaan warqadooda codbixinta,xili ay isku dayayaan inay codeeyaan?
Waxaas oo dhami waxay ku yimaadeen markii madaxweynuhu, sida qof qoyska ka mid ah oo xanaaq badan oo aan tagidoonin, uu go’aansaday inuu muddada ku kordhisto labo sano. tani sifiican umaysan dhicin. Kicin xasillooni darro badan iyo wadahadallo aad loogu baahnaa si laiskugu dayo in xasillooni loogu soo dabaalo waddanka. Laakiin hadda waxaad moodaa inaan horumar sameyneyno. In kasta oo ay tahay nooca horumarka aan samaynayno marka uu khamriyacabku khamriga joojiyo cabitaankeeda laakiin uu ku haysto maqaasiinka khamridii . Waxaan haynaa taariikhda ay dhacayso doorashada oo ah Oktoobar 10.
Laakiin waxaa jira su’aal ku saabsan doorashada dadban ee aan horay u soo sheegnay. Tani waa nidaamka qabiilka halka 101 qof oo ka mid ah 15 milyan oo qof ay awoodaan inay wax doortaan ama si kale loo dhigo 0.0007% dadka.aniga Waxay ila muuqataa inay ila saxan yihiin, in kastoo aan ka mid ahay 101aas. Kuwaas la xushay ama odayaasha qabaa’ilku waxay doortaan xubnaha baarlamaanka xubnahaasna waxay sii doortaan madaxweynaha. Uma baahna qof caqli badan inuu ka soo baxo taas . Nidaamkani dhab ahaantii ma shaqeynayo. Hadaad da ‘yartahay ama tahay haweeney waxaad hilmaami kartaa inaad wax sheegato. Doorashooyinka Somaliya asal ahaan waa Abaalmarinta Akaadamiyada Afrika. Laakiin taa badalkeeda dadka madow waxay leeyihiin cod.
balse muxuu midkan muhiim u yahay? Hagaag, doorashooyinku waxay ka dhigan yihiin xasilooni inay ka jirto wadanka iyo wadan ka xasilooni yar dameer hal lug leh, tan aad ayaa loo soo dhaweynayaa. Ma aha oo kaliya Soomaaliya sidoo kale, sababtoo ah tirada badan ee qaxootiga ku nool waddamada deriska ah qayb weyn oo ka mid ah Afrika ayaa saameysay. Wax kasta oo xun oo Soomaaliya ka jira waxay la mid yihiin sidii ayadoo lagu soo tuuray bam nukliyeer ah beertaada, deriskaaga ayaa markiiba ogaanaya. Xasiloonida ayaa sidoo kale kobcisa dhaqaalaha maadaama ay tahay jawi wanaagsan oo laga bilaabi karo ganacsi. Ma ahan dhaqanka ugu fiican in dukaan laga sameeyo goob miinada lagu aaso, ilaa iyo inaad iibineyso mooye lugaha sanaaciga ah. Markaa waxaa jira dariskaaga aan saaxiibtinimada lahayn ee Al Shabaab oo ku kobca xasillooni-darrada oo guud ahaan burburisa qof walba xisbigiisa. Iyadoo 25k ciidamada Midowga Afrika ay maalgelinayaan Mareykanka, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Midowday ee UK oo aan awoodin inay xakameeyaan iyaga ayaa u baahan dowlad xasilloon.
Marka tani waa Doorashada Soomaaliya, oo aan ahayn nidaam dimuqraadi ah oo ka dhigaya doorashooyinka Mareykanka inay u muuqdaan kuwo toosan. Wadanku wuxuu ubaahan yahay doorashadu inay kadhacdo sanadkaan, marka waxaana doorbidaya codadka kuwa dariiqa socda halkii laga heli lahaa 100 oday oo duqey ah oo malaha ilaaway inta ay jiraan.

#References:
Doorashada qabiilka
Doonayay doorasho dimoqraadi ah laakiin reeraha ayaaku heshiin waayey
Dhallinyarada iyo haweenku cod kamahelayan odayaasha
Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa dib udhigay doorashada 2 sano, mucaaradkana waa la hubeyay
Muqdisha oo dagaalamayso
Soomaaliya waxay rabtaa cod.
Dunida inteeda kale waxay ku hanjabtay cunaqabateyn
Gobolka
Al shabab – waxay ka faa’iideysataa xasilooni darrada
Qaxootiga waxay u guuraan wadamada ku hareeraysan xasilooni darradana waxay gaartaa wadamadaas
Ciidamada Midowga Afrika (25k) ma aysan awoodin inay bixiyaan Al-Shabab
qurbajoog – halkaas oo ay qaxootigu ku kala firdheen
Dhaqaalaha
Muqdisho waa caasimad iyo shirkadaha isgaarsiineed oo sii kordheya
Dhaqaaluhu wuxuu ubaahan yahay xasilooni – doorashaduna waxay keeni kartaa xasilooni
Maxaa isbadali kara
Doorashada waa umuhiim jabinta ismariwaaga
Doorashooyinka dimuqraadiga waxay hormariyan xasilloonida
Waxaan rajeyneynaa in hoggaamiye cusub uu hormarin doono doorashooyinka dimoqraadiga ah
Waxaan rajeyneynaa in hoggaamiye cusub uu hormarin doono doorashooyinka dimoqraadiga ah
Dhaawaca alshabab
Black Hawk down
Burcad badeed
Doorashooyinka 10-ka Oktoobar

